(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa: (a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya; (b) Astaanta midnimada qaranka; (c) Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.
(2) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .