Cutubka 1aad

Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Qodobka 1aad - 9aad

(1) Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo caddaalad bulshadeed. (2) Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (SWT), awoodda oo dhan waxa leh Shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ama u adeegsadaan si u gaar ah. (3) gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.

Done!

Qodobka 2aad

Dawladda iyo Diinta

(1) Islaamku waa Diinta Dawladda. (2) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka. (3) Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.

Done!

Qodobka 3aad

Mabaadi’da Asaasiga

(1) Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada. (2) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Carabta iyo Afrikaanka. (3) Mabaadi’da asaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka. (4) Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha. (5) Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.

Done!

Qodobka 4aad

Sarraynta Dastuurka

(1) Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan. (2) Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan.

Done!

Qodobka 5aad

Afafka Rasmiga ah

Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.

Done!

(1) Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh. (2) Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay. (3) Soomaaliya Hees astaan u ah qaranka wey leedahay waana “Qolobaa Calankeed”. (4) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey yeelan doonaan calankooda iyo astaantooda u gaarka ah si waafaqsan nidaamka Federaalka.

Done!

(1) gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo. (2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo. (3) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah. (4) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya. (5) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: (a) Waqooyi: gacanka Cadmeed; (b) Waqooyi galbeed: Jabuuti; (c) galbeed: Itoobiyia; (d) Koonfur galbeed: Kenya; (e) Bari: Badweynta Hindiya.

Done!

(1) Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta. (2) Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan golaha Shacabka ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo. (3) Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale. (4) Diidmada, laalista iyo ka-qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.

Done!

Magaala Maxdaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Muqadishu. Maqaamka magaalo- madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Done!