(1) Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo caddaalad bulshadeed.
(2) Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (SWT), awoodda oo dhan waxa leh Shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ama u adeegsadaan si u gaar ah.
(3) gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.