← Ku noqo

Qodobka 7aad

Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

(1) gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

(2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

(3) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

(4) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya.

(5) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: (a) Waqooyi: gacanka Cadmeed; (b) Waqooyi galbeed: Jabuuti; (c) galbeed: Itoobiyia; (d) Koonfur galbeed: Kenya; (e) Bari: Badweynta Hindiya.