(1) Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.
(2) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Carabta iyo Afrikaanka.
(3) Mabaadi’da asaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka.
(4) Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
(5) Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.