← Ku noqo

Qodobka 6aad

Calanka iyo Astaanta Qaranka

(1) Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.

(2) Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.

(3) Soomaaliya Hees astaan u ah qaranka wey leedahay waana “Qolobaa Calankeed”.

(4) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey yeelan doonaan calankooda iyo astaantooda u gaarka ah si waafaqsan nidaamka Federaalka.