(1) Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta.
(2) Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan golaha Shacabka ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
(3) Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.
(4) Diidmada, laalista iyo ka-qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.