Cutubka 8aad

Laanta Fulinta

Qodobka 97aad - 104aad

Qodobka 97aad

Golaha Wasiirrada

(1) Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman. (2) golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro- Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno. (3) Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn golaha Shacabkaba. (4) Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.

Done!

(1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa: (a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano; (b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed. (2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen: (a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano; (b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed. (3) Xubnaha golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban: (a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada golaha Shacabka; (b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah; (c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti Dawladeed; (d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda.

Done!

golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda: (a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda; (b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda; (c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed iyo soo-hor-dhigiddooda golaha Shacabka; (d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda; (e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka; (f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda; (g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda; (h) golaha Wasiirradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil kaqaadidda danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta. (i) Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.

Done!

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa: (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah; (b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha golaha Wasiirrada; (c) Horgeynta golaha Shacabka xubnaha golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni. (d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Done!

Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul-wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul-wasaaraha.

Done!

(1) Wasiir kasta wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa. (2) Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka wasiirka wasaaraddu u igmado. (3) Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul-Wasaaruhu u xilsaaro.

Done!

Qodobka 103aad

Xukuumadda Xil-Gaarsiinta

Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.

Done!

Qodobka 104aad

Dhaarta

Raisul-Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirradu markay helaan codka kalsoonida inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana dhaarinaya gudoomiyaha Maxkamadda sare, dhaartaasina waa sidatan: “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.”

Done!