← Ku noqo

Qodobka 100aad

Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa: (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah; (b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha golaha Wasiirrada; (c) Horgeynta golaha Shacabka xubnaha golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni. (d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.