(1) Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.
(2) golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro- Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.
(3) Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn golaha Shacabkaba.
(4) Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.