← Ku noqo

Qodobka 99aad

Xilalka Golaha Wasiirrada

golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda: (a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda; (b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda; (c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed iyo soo-hor-dhigiddooda golaha Shacabka; (d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda; (e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka; (f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda; (g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda; (h) golaha Wasiirradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil kaqaadidda danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta. (i) Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.