(1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa: (a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan
(40) sano; (b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
(2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen: (a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon
(30) sano; (b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
(3) Xubnaha golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban: (a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada golaha Shacabka; (b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah; (c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti Dawladeed; (d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda.