Qodobka 48aad
Qaab-dhismeedka Dawladda
1. Qaab-dhismeedka Dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu ka kooban yahay laba (2) heer Dawladeed:
(a) Heerka Xukuumadda Federaalka;
(b) Heerka Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka, kuwaas oo ka kooban Xukuumadaha Dawladaha Federaalka iyo Dawladaha Hoose.
2. Gobol goonni isu taagi kara ma jiri karo. Haddii Gobol uusan ku biirin Gobol kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si ku-meel-gaar ah u maamuli doonta, waxaana waajib ku ah Gobolkaas inuu ku biiro Gobol kale ama Dawlad Xubin ka ah Dawladda Federaalka muddo laba (2) sano gudahood ah.