(1) Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada; kuwaas oo ah: (a) Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha; (b) Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta; (c) Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Xukuumadda Federaalka ah; (d) Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah; (e) Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado; (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta; (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.
← Ku noqo
Qodobka 50aad