← Ku noqo

Qodobka 52aad

Iskaashiga Xukuumadaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka

(1) Xukuumadda Federaalka ah iyo Xukuumadah xubnaha ka ah waxaa waajib ku ah in madaxweyneyaasha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiintooda sare yeeshaan kulammo joogto ama kaltan ay kaga wada xaajoodaan arrimaha degaammadooda wada saameeya oo ay ka mid yihiin: (a) Ilaha biyaha; (b) Beeraha; (c) Xannaanada xoolaha; (d) Daaqa iyo seeraynta; (e) La dagaallanka nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka; (f) Caafimaadka; (g) Tacliinta; (h) Xiriirinta iyo wada-xaajoodka hoggamiyeyaal-dhaqameedka, ilaalinta iyo horumarinta xeer- dhaqameedka; (i) Xiriirinta culimada diinta; iyo (j) Dhallinyarada.

(2) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayadu dhexdooda ama Xukuumadda Federaalka waxay isla geli karaan heshiisyo iskaashi oo ay ku wada hawlgalaan, aanse lahayn awood sharci, kana horimanayn Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.