(1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
(2) Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeyadawladda xubinta ka ah dawladda federaalka, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
(3) Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.