(1) Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
(2) golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inta aanu goyn tirada iyo xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhiga golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
(3) Magacaabidda guddigu lagu xusay faqradda 2 ee kore waa inuu ka horreeyo sharci golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixyo oo qeexaya: (a) Xilalka iyo awoodaha guddiga; (b) Hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo shuruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay ka mid noqoto Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka; (c) Tirada xubnaha guddiga, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga, muddada xilhayntood, xuquuqdooda;
(4) Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, golaha Shacabka ee Federaalkuna oggolaado.
(5) Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.
(6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.