Soomaaliya
(1) Heer kasta oo Xukuumadeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan
(2) Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay: (a) La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Xukuumadaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta; (b) Heer kasta oo Xukuumadaha waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale; (c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.
(3) Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka si ay isula meeldhigaan: (a) Adkaynta Midnimada Qaranka; (b) Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka; (c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka; (d) Horuumarinta baraaraha shacabka; (e) Isdhaafsiga macluumaadka.
(4) Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.
(5) Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo: (a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Xukuumadda; (b) Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Xukuumadda inta aanay u gudbin maxkamad.