← Ku noqo

Qodobka 54aad

Kala Qaybinta Awoodaha

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka.