Cutubka 9aad

Awoodda Garsoorka

Qodobka 105aad - 109aad

(1) Awoodda garsoorka waxaa u xil saaran Maxkamadaha. (2) Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer ah kasoo saaraya Baarlamaanka Federaalka.

Done!

Qodobka 106aad

Madaxbannaanida Garsoorka

(1) garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga. (2) garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo. (3) garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan golaha Adeegga garsoorka.

Done!

Qodobka 107aad

Habka Dacwad Qaadista

(1) Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi. (2) go’aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda. (3) go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.

Done!

Qodobka 108aad

Qaabka Maxkamadaha Dalka

(1) garsoorka dalku wuxuu noqonayaa sadex Heer oo kala ah: (a) Maxkamada Dastuurka; (b) Maxkamadaha Heer Dawlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawlada Federaalka. Maxkamada ugu saraysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dawladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah.

Done!

(1) Maxkamad haddii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso Dawladda Fedraalka oo kaliya, maxkamadaasi waa inay u celisaa dacwadaas maxkamad heer Dawladda Federaal ah. (2) Maxkamad haddii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso arin Dastuuri ah, maxkamadaasi waxay u celin kartaa dacwadaasi maxkamada Dastuuriga si ay uga gaarto go’aan: (a) Maxkamad walba oo awood garsoor lihi wey go’aamin kartaa in arrini la hor keenay ay tahay mid dastuuri ah iyo in kale, mar haddii aanay ka hor imanayn awoodaha gaarka aah ee Maxkamadda Dastuurka sida kuxusan Qodobka 109C ee Dastuurka. (b) Maxkamadda Dastuurka ayaa ah garsooraha kama danbeysta ah ee arrimaha dastuurka; (c) Maxkamadda Dastuurka keliya ayaa leh awoodda garsoor ee qeexidda arrimaha dastuurka ee aan ka iman kiisaska maxkamadeed; (d) S hsi ama koox ama dawladdiba si toos ah ayeey ugu gudbin karaan maxkamadd Dastuurka codsi tixraac ah oo la xiriira arrimaha khuseeya danaha dadaweynaha. hak (3) Marka laga reebo arrinta lagu xusay faqradaha (1) iyo (2) qodobkan, Baarlamaanku Federaalka wuxuu soo saarayaa sharci faahfaahin buuxda ka bixinaya sida ay u wada falgelayaan maxkamadaha heer Federaal iyo maxkamadaha heerka dawlad goboleedyada Xubanaha ka ah Federaalka.

[109A. Golaha Adeegga Garsoorka] (1) Dastuurkani wuxuu asaasayaa golaha Adeegga garsoorka. (2) golaha Adeegga garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal (9) xubnood, oo kala ah sida soo socota: (a) garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka; (b) garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare; (c) garyaqaanka guud; (d) Laba (2) garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar (4) sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen; (e) Qofka guddoomiyaha ka ah guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo (f) Saddex (3) qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar (4) sannadood ah. (3) Xubnaha guddiga Adeegga garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda guddoomiyaha golaha Adeegga garsoorka. (4) Xubinta golaha Adeegga garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah, oola cusbooneysiin karo mar keliya. (5) Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan golaha Adeegga garsoorku), oo khuseeya anshax marinta garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta golaha Adeegga garsoorka. (6) Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, golaha Adeegga garsoorku waa in uu: (a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka; (b) go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa; (c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa.

[109B. Asaaska Maxkamadda Dastuurka] (1) Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan (5) garsoore oo uu ku jiro garsooraha Sare iyo ku xigeenka garsooraha Sare. (2) golaha Adeegga garsoorku , waa in uu u magacaabaa garsoore Maxkamadda Dastuurka qof daacadnimo sare leh oo keliya, isla markaana si rasmi ah u bartay sharciga iyo Shareecada, khaas ahaanna ku xeel dheer sharciga dastuurka. (3) golaha Adeegga garsoorku waa in uu u soo jeediyaa golaha Shacabka qofka noqonaya garsoore Maxkamadda Dastuurka. (4) Haddii golaha Shacbigu ansixiyo magacii la soo jeediyay iyadoo la raacayo faqradda (3) ee Qodobkan, Madaxweynuhu waa in uu u magacaabaa qofkaa garsoore Maxkamadda Dastuurka. (5) Dhexdooda, garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurku waxay ka dooranayaan garsooraha Sare iyo ku xigeenka garsooraha Sare.

[109C. Awoodaha Maxkamadda Dastuurka] (1) Maxkamadda Dastuurku waay yeelaneysaa awoodahan u garrka ah: (a) Marka uu codsi ka yimaaddo Xubin ka Mid ah golaha Wasiirada, guddi ka tirsan aqalada Baarlamaanka midkood, ama toban Xubnood oo ka mid ah Aqalada midkood,in ay Maxkamaddu dib u eegto hindisa sharci, ayna go’aansato in sharcigaasi waafaqsan yahay Dastuurka; (b) In Maxkamaddu dhegeysato go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad Qodobka 86aad,oo la xidhiidha muran ka dhashay sida xeer uu u waafaqsan yahay dastuurka; (c) In maxkamaddu dhegeysato, go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad faqradda Qodobeedka 109(2)(c) kaasoo khuseeya in dhinac uu hor keenay maxkamad dood kiis macquul ah, kiiskaana loo gudbiyay Maxkamadda Dastuurka si ay go’aan uga gaadho; (d) In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda; (e) In ay dhegeysato, go’aana ka gaadho Khilaafyada ka dhexeeya waaxaha Dawladda federaalka ah ee la xidhiidha awoodaha dastuuriga ah iyo waajibaadka ay kala leeyihiin; iyo (f) In ay dhegesato, go’aana ka gaadho Marka la eego Qodobka 92aad oo la xidhiidha kiisaska denbiyada dastuur ee Madaxweynaha lagu soo oogo ee xil ka qaadista keeni kara. (2) Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa go’aansan doonta taariikhda ay ka bilaabmi karto hirgelinta marka la gaadho laguna dhawaaqayo in uu sharci yahay wax kama jiraan. (a) Haddii sharci loo arko mid aan dastuuri ahayn, marka laga reebo sida ku cad a faqradda (b) ee qaybtan, iyadoo xisaabtana lagu darsanayo saameynta ay ku leedahay taariikhda uu sharcigaasu noqonayo wax kama jiraan, dadka daneynaya arrinta iyo guud ahaan danaha bulshoba, waxay maxkamaddu go’aansan kartaa in sharcigaasi uu yahay waxba kama jiraan ilaa markii la sameeyay,ama taariikhda ka bilaabanta markii xukunku dhacay ama, si ay haboon tahay marka wax kama jiraanimada sharcigu bilaabmayo, taariikh mustaqbalka ah loo qabto. (b) Haddii arrintu ku lug leedahay sharci dembiyeed,haddii in sharcigaa wax kama jiraankiis laga bilaabo markii la sameeyay, haddii arrintaasi u faa’iideyneyso qof lagu xukumay sharcigaa aan dastuuriga ahayni, waa in ay Maxkamadda Dastuurka waqtigaa isaga ah ka soo bilowdaa wax kama jiraanimadiisa.

Done!