(1) garsoorka dalku wuxuu noqonayaa sadex Heer oo kala ah: (a) Maxkamada Dastuurka; (b) Maxkamadaha Heer Dawlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawlada Federaalka. Maxkamada ugu saraysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dawladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah.
← Ku noqo
Qodobka 108aad