← Ku noqo

Qodobka 106aad

Madaxbannaanida Garsoorka

(1) garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.

(2) garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo.

(3) garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan golaha Adeegga garsoorka.