← Ku noqo

Qodobka 107aad

Habka Dacwad Qaadista

(1) Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi.

(2) go’aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda.

(3) go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.