Cutubka 14aad

Nabadda iyo Amniga

Qodobka 126aad - 131aad

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan: (a) Ciidanka xoogga dalka; (b) Nabadsugidda; (c) Ciidanka booliska; (d) Ciidamada Asluubta. (2) Adeegsiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey. (3) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed. (4) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (5) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyagoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka. (6) Hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita waxaa kormeeraya oo koontaroolaya hay’adaha rayid ah.

Done!

(1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota: (a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad; (b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga; (c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan; (e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo (f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay. (2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta.

Done!

Qodobka 128aad

Ku-tagrifalidda Awoodeed

gaboodfallada xuquuqda Aadanaha ee la tuhunsan yahay in ay xubno ka tirsan Ciidammada Amniga inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qaadaa Maxkamadaha rayidka ah.

Done!

Qodobka 129aad

Xafiiska Gardoonka

(1) Dastuurkan wuxuu dhisayaa xafiiska Gardoonka (Ombudsman) waa Hay’adda ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidamada and maamulka Dawladda. (2) Hay’adda gardoonku waxay baaritaan iskeed u bilaabi kartaa haddii ay jiraan tuhummo la xariira xadgudubyo ay ciidammadu u geysteen qof and koox ka mid ah bulshada, haddii ay qanacdo inu jiro faldembiyeedna waxa ka oogi karta dacwad maxkamadda ku habboon. (3) Sharci gaar ah ayaa xaddidi doona awoodaha iyo waajibaadka Hey’adda gardoonka

Done!

Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Done!

Qodobka 131aad

Xaalad Deg degga ah

(1) Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an. (2) Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda. (3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta. (4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso. (5) Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya. (6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah. (7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad.

Done!