(1) Dastuurkan wuxuu dhisayaa xafiiska Gardoonka (Ombudsman) waa Hay’adda ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidamada and maamulka Dawladda.
(2) Hay’adda gardoonku waxay baaritaan iskeed u bilaabi kartaa haddii ay jiraan tuhummo la xariira xadgudubyo ay ciidammadu u geysteen qof and koox ka mid ah bulshada, haddii ay qanacdo inu jiro faldembiyeedna waxa ka oogi karta dacwad maxkamadda ku habboon.
(3) Sharci gaar ah ayaa xaddidi doona awoodaha iyo waajibaadka Hey’adda gardoonka