← Ku noqo

Qodobka 126aad

Suggidda Amniga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan: (a) Ciidanka xoogga dalka; (b) Nabadsugidda; (c) Ciidanka booliska; (d) Ciidamada Asluubta.

(2) Adeegsiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey.

(3) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed.

(4) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(5) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyagoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka.

(6) Hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita waxaa kormeeraya oo koontaroolaya hay’adaha rayid ah.