← Ku noqo

Qodobka 127aad

Mabaadi’ida Ciidamada Amniga

(1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota: (a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad; (b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga; (c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan; (e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo (f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay.

(2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta.