Cutubka 13aad

Maaliyadda guud

Qodobka 122aad - 125aad

Mabaadi’da guud ee Maaliyadda waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ah Dawladda Federaalka si waafaqsan qaab Dastuuri ah.

Done!

(1) Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xer- nidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka. (3) Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye: (a) Soo saaridda lacagta (b) Hubinta negaanshaha ascaarta (c) Negaanshaha heerka sarrifka; iyo (d) Nidaam bangi oo maangal ah. (4) Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta. (5) Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta. (6) Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka.

Done!

Sharci Baarlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya heykal maamul-maaliyadeed oo astaamihiisu ay ka mid yihiin: (a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkada iyo Jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada iyo degmooyinka kaasoo ay tahay inuu ahaado mid daahfuran, la xissabtan leh, wax-ku-oolna ah. (b) In Dawladda Federaalku uu damaanad-qaad siiso deymaha ay weydiistaan Dawlada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada; (c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada guud; (d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan xukuumiga ahayn ee Dawladda dhaqaale ka hela; (e) Tallabooyinka guud ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkan.

Done!

Qodobka 125aad

Kaydka Qaranka

(1) Sharci uu ansixyo Baarlamaanka Federaalku waa in lagu dhiso hay’ad Qaran oo u adeegta kayd qaran ahaan. Isla sharcigaasuna dejiyo hannaan sugan oo lagu hubin karo xalaalnimada dakhli xeraynta iyo kharash bixinta heer kasta ee hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka. Isla sharcigaasu waa inuu ku salaysnaado nidaam xisaabtan adduun ahaan la tijaabiyay lana aqoonsanyahay oo leh halbeegyo la xariira kaydinta iyo khrajbixinta maaliyadda oo si iskumid uga dhaqangala meel walba oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka mid ah. (2) Hay’adda Kaydka Qaranku waa inuu hubiso u hoggaansanaanta mabda’a ku xusan farqadda (1), waa inay ka joojiso xawilladaha lacageed qayb kasta oo Dawladda ka mid ah oo xadgubyo culus geysata ama si isdabajoog ah u garab marta sharciga Kaydka Qaranka.

Done!