← Ku noqo

Qodobka 124aad

Sharci-dejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadda

Sharci Baarlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya heykal maamul-maaliyadeed oo astaamihiisu ay ka mid yihiin: (a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkada iyo Jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada iyo degmooyinka kaasoo ay tahay inuu ahaado mid daahfuran, la xissabtan leh, wax-ku-oolna ah. (b) In Dawladda Federaalku uu damaanad-qaad siiso deymaha ay weydiistaan Dawlada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada; (c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada guud; (d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan xukuumiga ahayn ee Dawladda dhaqaale ka hela; (e) Tallabooyinka guud ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkan.