(1) Sharci uu ansixyo Baarlamaanka Federaalku waa in lagu dhiso hay’ad Qaran oo u adeegta kayd qaran ahaan. Isla sharcigaasuna dejiyo hannaan sugan oo lagu hubin karo xalaalnimada dakhli xeraynta iyo kharash bixinta heer kasta ee hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka. Isla sharcigaasu waa inuu ku salaysnaado nidaam xisaabtan adduun ahaan la tijaabiyay lana aqoonsanyahay oo leh halbeegyo la xariira kaydinta iyo khrajbixinta maaliyadda oo si iskumid uga dhaqangala meel walba oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka mid ah.
(2) Hay’adda Kaydka Qaranku waa inuu hubiso u hoggaansanaanta mabda’a ku xusan farqadda
(1), waa inay ka joojiso xawilladaha lacageed qayb kasta oo Dawladda ka mid ah oo xadgubyo culus geysata ama si isdabajoog ah u garab marta sharciga Kaydka Qaranka.