Cutubka 10aad

Guddiyada Madaxa Bannaan

Qodobka 110aad - 114aad

Qodobka 110aad

Mabaadi’da Guud

(1) guddi madax banaan waa hay’ad ka madax bannaan xukuumadda ama xakamayn siyaasaded, awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah. (2) guddi madax banaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda Aadanaha, dimuqoraaddiyad iyo daah furnaan. (3) guddi madaxbannan marna ma hoos imanayo, kamana amar-qaadanyo qof ama hay’ad awood xukun leh midna. (4) Maaliyadda guddi kasta oo madax banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.

Done!

(1) Dalku wuxuu yeelan doonaa guddiyo Madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, waajibaadkooda, xilkooda, iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. (2) Iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo guddiyadaas loo xilsaaray, xubnaha ka qaybgalayaa waa in lagala tashadaa inay ka qaybqaataan Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.

[111A. Golaha Adeegga Garsoorka] (1) Waa inuu jiraa golaha Adeegga garsoorka, golahaasoo kala talinaya Caddaaladda iyo Federaal Dawladda arrimaha ku sabaasan maamulka caddaaladda oo ay ka mid tahay qoritaanka, shaqo ka saaridda and talaabo ka qaadista garsoorayaasha. (2) golaha Adeegga garsoorka waa in uu madax banaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa uu hal dhinac u xaglin uu xaqiijiyaa madax banaanidda cadaladda. (3) golaha Adeegga garsoorka waxa uu lahaanayaa awood, iyo hawlo loo xilsaaray oo ku sheegan Dastuurka iyo Sharciyadda Qaranka.

[111B. Guddiga Xuquuqda Aadamiga] (1) Waa inuu jiraa guddiga Xuquuqda Aadamiga oo loo xilsaaro: (a) Horumarinta xushmeynta xuquuqdda aadmigga iyo dhaqanka xuquuqda aadamigga; (b) Horumarinta ilaalinta, xoojinta iyo adkeynta xuquuqda aadmiga; iyo (c) Baaritaanka iyo qiimeynta hab dhaqanka xuquuqda aadamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. (2) guddiga Xuquuqdda Aadmiga: Iyadoo la tixraacayo Dastuurka, guddiga Xuquuqda Aadmiga, wuxuu yeelahanayaa awood uu ku fuliyo hawlahan: (a) Inay baaritaan ku sameeyaan, warbixina ka soo saaraan sida loogu dhaqmayo xuquuqdda aadmiga; (b) Inay si ku habboon xal ugu raadiyaan meelaha lagu xad gudbay xuquuqda aadmiga (c) Inay cilmi baaris ku sameeyaan; iyo (d) Inay cilmi wacyi gelin u sameeyaan dadweynaha iyo saraakiisha xukuumadda heerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqdda aadmiga. (3) Awoodaha iyo hawaha ah ee guddiga waa inuu ku dhignaadaa Sharciyadda Xuquuqda Aadmiga. (4) golaha Xuquuqda Aadmiga waa inuu madax banaanaadaa, waa inayna hal dhinac u xaglin, waa in loo dhamaadaa waana inaanu ka badnaan sagaal (9) xubnood

[111C. Guddiga La dagaalanka Musqmaasuqa] (1) Waa inuu jiraa guddi la Dagaalanta Musuqmaasuqaq waana in awoodoodu noqotaa inay baaraan eedaha ku saabsan musuqmaasuqa lagu soo oogo qaybaha Dawladda (2) guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay sameyn karaan baaris marka ay rabaan, kuma eka keli ah hawshoodu marka cabasho loo soo gudbiyo. (3) Mas’uuliyadaha guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waxa ka mid ah: (a) Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagaalamayo musuqmaasuqa ee ugu fiican uguna habboon; (b) Horumarinta, fududeynta iyo taageeradda Iskaashiga Caalamiga iyo taageeradda farsamadda (c) Horumarinta daacadnimadda, xisaabtanak, iyo habsami u maamulka arrimaha dadweynaha iyo hantida dadweynaha. (4) Awoodaha guddiga La Dagaalanka Musqmaasuqa waxa ka mid ah: (a) Ka hortaga, baarista, faafinta dacwooyinka musuqmaasuqa; (b) Xayiraadda, qabashada, la wareegga/qaadashada iyo celinta faa’iidada fal danbiyeedka; (c) Taageerista dejinta sharciyadda iyo tallaabooyinka ku habboon ee lagu joojinayo, xakameynayo laguna qaadayo falal dembiyeedka la xiriira musuqmaasuqa. (5) Halka ay gaarsiisan tahay awoodda guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxa ka mid ah arrimaha la xiriira: (a) Musuqmaasuqa qaranka ama dibeddea ee saraakiisha Dawladda; (b) Boobka, isdhicitaanka iyo leexsashada saraakiisha Dawladda ee hantida Dawladda iyo hantida gaarka ah; (c) Ku-shaqaysashada nufuudda ama xiriirada gaarka ah; (d) Si xun ugu dhaqanka hawlaha shaqada iyo taajiridda aan sharciga ku dhisnayn (6) guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waa inuu madax banaanaadaa, dhedhexaad ahaadaa , eex- la’aan ahadaa, waa in lagu wada jiraa, loona dhan yahay, waana in aanu ka badan sagaal (9) xubnood.

[111D. Guddiga Adeega Baarlamaanka] (1) Mudadda bilowga ah ee golaha shacabka, waa in labada aqal ee Federaalku sameeyaan guddiga Adeega Baarlamaanka taasoo shaqeyneysa mudadda Aqalka Shacbka jiro. (2) guddiga Adeega Baarlamaanku waa inuu ka koobnaadaa: (a) guddoomiyaha golaha shacabka oo ah guddoominaya fadhiyada (b) guddoomiyaha Aqalka Sare oo noqonaya guddoomiye ku-xigeen; (c) Afar xubnood oo lagu soo magacaabay golaha shacabka kuwaasoo ay ugu yaraan ka mid yihiin laba haween ah; (d) Laba xubinood laga soo magacaabay golaha shacabka kaasoo ay midkood tahay haweenay; (e) Hal xubin oo ay soo magacaabay golaha Shacabka oo ah shakhsi khabiir ku ah arrimaha dadweynaha hase yeeshee aan ka mid ahayn xubnaha Baarlamanka Federaalka. (3) Xubin ka mid ah Guddiga Hawlaha Baarlamaanka waa inuu baneeyaa xafiiska: (a) Marka ay dhamaato muddada golaha Shacabka; (b) Haddii xubintaasi ay ka mid ahayd Baarlamanka Federaalka ayna dhamaato xubinnimadiisii Baarlamaanku Federaalka; ama (c) Haddii ay xubin la magacaabay; magacaabistii kala noqodaan golaha Shacabka (4) guddiga Hawlaha Baarlamanku waa inuu mas’uul ka noqdaa: (a) Adeegyada iyo fududeynta si loo hubiyo wanaaga iyo hawgalka fiican ee Baarlamaanka Federaalka; (b) Abuuris xafiisyadda taageeraya adeegga Baarlamaanka iyo magacaabidda iyo kor ka maamulka masuuliyiinta xafiisyada; (c) Diyaarinta qiyaasta kharashyadda Baarlamanka ee sannadkiiba hal mar iyo u gudbintooda golaha Shacabka si ay u ansixiyaan iyo inay xakameynta miisaaniyadda hawlaha maaliyadda; (d) Inay sameeyaan hawlaha kale ee loo baahdo, kuwaasoo lagu daryeelayo xubinaha shaqaalaha ee Baarlamaanka Federaalaka kuna cad sharciga Federaalka ah. (5) Marka laga helo ansixin Aqalka ay khuseyso, golaha Adeegga Baarlamaanku waa inay u magacaabaan xoghayn aqalka kasta oo Aqaladda baarlamanka Federaalka. Xafiisyadda xoghayayasha iyo xafiisyadda xubinaha shaqaalaha ee xoghayayasha waa inuu noqdaa xafiisyo adeegga baarlamaanka.

[111E. Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka] (1) Waa inay jiraan guddiga Xuduudaha iyo Federaalka si ay u taageeraan isbeddeladda Degaanadda ee Soomaaliya una noqdaan xukuumaddo federaal ah oo xoogan. (2) guddiyada Xuduudaha iyo Federaalka waxa kaashan karaan khubaro ka mid ah qaranka ama ka yimid, iyagoo sameynaya daraasad, iyo khariidado isla markaana ku dhaqaaqaya daraasado taageerayo abuurista xukuumado wax-ku-ool ah. (3) guddiga Xuduudaha iyo Federaalka waa inay tixgeliyaan xogta dadka iyo dhulka , eegayana wadci siyaasadeed iyo kan dhaqan duruuftiisa iyo qaabka bulshada kuwaasoo ay taallooyin ahaan ugu soo jeediyaan baarlamanka fedeeraalka sidii loo jeexi lahhaa xuduudaha xukuumaddaha Federaalka; (4) guddigu waa inay madax banana tahay, dhexdhexaad tahahy, meteshaa qaybaha deeggaandda Soomaaliya oo dhan, loona dhan yahay (5) go’aamada kama dambeynta ah ee xuduudaha, xuduudah Xukuumaddaha Federaalka waa inay sameyaa baarlamanka Federaalka , waana inuu ku saleyaa tallooyinka guddiga Xuduuddaha Federaalka.

[111F. Guddiga Isku-Xirka Xukuumadaha] (1) Waa in sharci Federaal ah lagu sameeyaa guddi isku xirta xukuumaddaha (2) guddiga isku xirka xukuumaddaha “ waa inay lahaadaan awoodaha Federaalka Baarlamaanka uu u arko daruuri sida: (a) Fududeynta is-kaashi iyo isla-xiriirka Dawladda Federaalka iyo xubinaha xukuummadaha Federaalka dhexdooda; iyo (b) Xalilinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara Dawladda Federaalka iyo hal dawlad oo xubin ka ah Federaalka ama in ka badan Dawladdaha xubinta ka ah xukuummadaha Federaalka ama. (3) guddiga Isku Xirka Xukuumaddaha waa inay ka koobnaataa xubnno uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu iyo marka ugu yaraato tiro la mid ah oo ay soo magcaabenn mid walba oo ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah Federaalka .

[111G. Guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka] (1) Waa in la dhisaa guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka; taasoo loo tixraacayo Dastuurka. guddiga waa inay guddigu ka madax banaanaadaan waaxda fulinta waana inay maamushaan maaliyadooda u gaarka ah. guddiga waa in ahaataa mid loo dhan yahay, waana inay noqotaa dhexdhexaad waana inayna ka badnaan tiro sagaal xubnood ah. (2) Masuuliyadaha guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka waxa ka mid ah: (a) Inay maamulaan doorashooyinka Madaxweynaha (b) Inay maamulaan dooorashooyinka Federaalka (c) Inay si joogta ah u diiwaan geliyaan cod-bixiyayaasha dib-u-eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha (d) Inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashooyinka (e) in ay xadidaan degaanada cod-bixineed (f) Sharciyeynta habka xisbiyadda siyaasadda (g) Xalinta khilaafyadda doorashooyinka (h) Fududeynta kor-joogista, ilaalinta iyo qiimeynta doorashooyinka (i) Sharciyeynta lacagaha ay isticmaalaan murashaxiinta ama xisbi marka ay doorasho jirto (j) Sameynta hab dhaqanka murashaxiinta iyo xisbiyadda doorashooyinka (k) Ilaalinta in lagu dhaqmo sharciyadda magacaabista murashaxiinta ee xisbiyadda siyaasadeed (l) Waci gelinta cod-bixiyayaasha (3) Baarlamaanka Federaaalka waa inuu sameeyaa guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka iyo sharciyadda loo baahan yahay inay taageeraan iyagoo siinaya ahmiyadda koowaad

[111H. Guddiga Ammaanka Qaranka] (1) guddi Amaanka ee Qaranka waa in lagu sameeyaa sharci Federaal ah. guddiga Amaanku ee Qarabja waa inay ka koobnaataa khubarro ka tirsan amaanka ee qaybaha oo dhan. (2) Mas’uuliyadaha guddiga Amaanka ee Qaranku waa inuu noqdaa: (a) Inay darsaan oo ay sameeyaan hab isku xiran oo ah hawlwadeen shaqo kaasoo aabaaraya baahidda waqtiga la joogo iyo mustaqbalkaba ay Soomaaliya u qabto dib-u-eegista iyo ku dhaqanka baarlamanka Federaalka; (b) Inay so bandhigaan tallooyin lagu hubsanayo in nabad geliyadda dadka la siiyo ahmiyadda koowaad iyo in la isku daro habaka shaqo ee Amaanka Qaranka; (c) In la sameeyo hab-shaqo oo dadweynaha amaanka ku ilaaliyaan iyo ilaalinta amaanka ee la xiriira kharajka; (d) In la raadiyo bogsiintga gaboodfalka ay geystaan shaqaalaha amaanku. (3) Ahmiyadda ugu horeysa waa inay ka koobnaataa: (a) Burcad Badeedda; (b) Ka saaridda ciidan ee kooxaha hubeysan iyo bulsho ku- darkooda taasoo ay ka mid tahay in la siiyo tababaro xirfadeed iyo diyaarin waxyaalaha lagu taageerayo iyo la-tallinta dhinaca cilmiga maanka/nafisiga; (c) Hawlaha Boliiska (d) In la hubsado in maamul shacbiya lagu xakameeyo ciidammadda hubaysan. (4) guddiga waa inuu sameeyaa guddi-hoosaad Ilaalinta ee Bulshada. guddi hoosaadku waa in uu ka koobnaadaa khubarrada ammaanka, xubnaha Baarlamaanka Federaalka, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda ururrada bulshada kuwaasoo qayb kasta Bulshada Soomaaliyeed. Mas’uuliyadda guddi- hoosaadka waa: (a) Inay soo bandhigaan tallooyin lagu hubsanayo in ahmiyadda koowaad la siiyo amaanka dadka iyo in lagu daro nidaamka shaqada ee ammaanka qaranka; (b) Sameyn habo-shaqo kaasoo ay dadweynaha siiyo ilaalin guud; (c) Ilaalinta amaanka la xiriira kharajka; (d) In la helo daaweynta gaboodfalka ay sameeyaa shaqaalaha amaanku.

[111I. Guddigga Runta iyo Dib-u-heshiisiinta] (1) Waa in la sameeyaa guddiga Runta iyo dib-u-heshiisiinta si loo helo qaran bogsoon, heshiisya oo mideysan si loo sugo in arrimaha la xiiriira in aan denbi laysu qabsan, aargoosiga iyo kuwa kale ee colaaddaabuura in xal loo helo iyadoo la raacayo hab Dawladeed oo sharciyeysan. (2) guddigu waa inuu madax banaaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa waa inay ku jiraan wakiiladda ay ka mid yihiin odayo dhaqameedku, iyo hogaamiyayaasha, xubnaha Baarlamaanka, xubnaha ururadda bulshada ee la ixtiraamo, garsoorayaasha iyo shaqaalaha amaanka. (3) Mas’uuliyadaha guddiga waxa ka mid ah: (a) Inay ka markhaati kacaan, qoraal iyo in dacwooyinka qaarkood ay cafis u fidiyaan dembiilayaashas, kuwaasoo la xiriira meel ka dhaca xuquuqda aadmiga iyo toosin iyo hagaajinta dembigalayaasha (b) Hirgelinta is-cafiska, dib u heshiisiinta iyo mideynta qaranka.

[111J. Gardoonka/Ilaaliyaha Dadweynaha] (1) Waxaa la dhisayaa xafiiska Gardoonka Dadweynaha. (2) gardoonka Dadweynuhu wuxuu u dhaqmaa sida uu qabo Dastuurkan iyo sharciga oo keliya. (a) Waa in xubin ka tirsan golaha Wasiirrada, Sharci-dejinta ama qof kale aanu Adeegaha Gardoonka Dadweynaha ku faragelin hawsha xafiiskaa; (b) Waax kasta oo ka tirsan Dawladdu waa in ay gardoonka Dadweynaha ku siisaa gacan- qabashada uu ugu baahan yahay ilaalinta madax-bannaanida, sharafta iyo wax-ku-oolnimada gardoonka Dadweynaha. (3) Isaga oo ku dhaqmaya talada golaha Adeegga garsoorka, Madaxweynuhu Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa in uu magacaabaa Adeegaha gardoonka Dadweynaha. (a) guddiga Adeegga Dadweynaha waxaa uu ku talo-bixin karaa in Adeegaha gardoonka Dadweynaha loo magacaabo oo keliya qof u qalma in loo magacaabo garsoore Maxkamadda Dastuur. (b) Adeegaha gardoonka Dadweynaha waxaa uu shaqeynayaa muddo xilli toddoba (7) sano ah. (4) Faqradda (5) dhexdeeda, erayga “Sarkaal” waxaa macnihiisu u dhacayaan sarkaal la soo doortey ama la magacaabey ama qof u shaqeeya hay’ad Federaal, Dawlad-goboleed iyo Dawlad Hoose, sarkaal ka tirsan ganacsi ay leedahay ama maamusho ama gacanta ugu jira Dawladda, oo ay Dawladdu wax weyn ku leedahay, ama sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca ama booliska, laakiin sooma hoos gelayo garsoore Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare ama Maxkamad Sare, ama sarkiilkii kaleba intiiba ay cabashadu la xiriirto hawl garsoor. (5) Adeegaha gardoorka Dadweynaha waa in uu: (a) Baaraa cabashooyinka ku saabsan eedeyn ama xadgudub muuqda oo loo geysto xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ku-xadgudub awoodeed, hab-dhaqan caddaalad-darro, naxariis- darro, u-turid la’aan ama edeb-darro/ixtiraam la’aan ah oo qof deggan Soomaaliya uu kula kaco sarkaal Dawladda uga shaqeeya heerarkeeda kala duwan, hab-dhaqan uu ka muuqdo caddaalad darro, ama musuq-maasuq ama hab-dhaqanka sarkaalkaasi sameeyo oo bulsho dimuqraaddi ah ay si habboon ugu aragto in uu yahay mid sharci-darro, dulmi ama xaq-darro ah; (b) Baaro cabashooyinka la xiriira hawlaha guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, hay’adaha maamulka ee Dawladda, iyo ciidamada difaaca iyo booliska intiiba ay cabashadaasi la xiriirto in lagu guuldarreystey in si miisaaman loo qaabeeyo adeegyadaas ama in dhammaan dadku ay si simman shaqaale loogu qoro adeegyadaas ama si xaq ah loo maamulo adeegyadaas; (c) Uu qaado tallaabo habboon oo uu ku baaqo daaweynta, sixidda ama beddelidda arrimaha lagu sheegey Faqradihii soo hormarey iyada oo loo marayo habab caddaalad ah sax oo ku habboon, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobneyn: (i) La tashiga iyo wax isu-oggolaasho dhex mara dhinacyada ay khuseyso; (ii) Ka warbixinta cabashada iyo waxyaabaha uu adeegaha gardoonka dadweynaha ka ogaadey arrinta, una gudbiyo madaxda qofka dembiga geystey; (iii) In uu arrinta u gudbiyo dacwad-oogaha guud; (iv) In uu arrinta hor-keeno maxkamad xarraantinimeysa hab-dhaqan aan habbooneyn ee sarkaal; (v) Ama in arrin looga shakisan yahay musuqmaasuq uu u soo gudbiyo dacwad- oogaha guud. (6) Xeer Ilaahiya guud waa in uu sanad kasta warbixin u soo gudbiyaa golaha Shacabka, Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo guud ahaan dadweynaha.

Done!

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya golaha Wasiirrada magacyada guddiga. Haddii golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.

Done!

Shuruucda la xiriirta guddiyada Madaxbanaan waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo ay soo saaraan golaha Shacabka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Done!

Waxaa jiri doona Hey’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, sida garyaqaanka guud, Hanti-dhowrka guud, iyo Bangiga Dhexe oo noqonaya Heer Federaal ah.

Done!