← Ku noqo

Qodobka 112aad

Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya golaha Wasiirrada magacyada guddiga. Haddii golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.