(1) guddi madax banaan waa hay’ad ka madax bannaan xukuumadda ama xakamayn siyaasaded, awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah.
(2) guddi madax banaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda Aadanaha, dimuqoraaddiyad iyo daah furnaan.
(3) guddi madaxbannan marna ma hoos imanayo, kamana amar-qaadanyo qof ama hay’ad awood xukun leh midna.
(4) Maaliyadda guddi kasta oo madax banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.