Cutubka 3aad

Dhulka, Hantida iyo Deegaanka

Qodobka 43aad - 45aad

Qodobka 43aad

Dhulka

(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka. (2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar waarana leh. (3) Xukuumaddu Federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u- eegis loogu sameeyo. Siyaasaddaasi waa in ay xaqiijiso: (a) U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa ; (b) Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta; (c) Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoon dhibaato loo geysan. (d) In si deg deg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida. (e) In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan; (f) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar. (g) Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasad- dhuleed oo heerkooda ah. (4) Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xaddidaya baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda. (5) Dawladda Federaalku iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Federaalka iyo ciddii kale oo ay quseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka iyo qaab lagu koontaroolo, laguna isticmaalo dhulka.

Done!

Qodobka 44aad

Kheyraadka Dabiiciga ah

Qaybsiga kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubinta ka noqon doona Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoo loo marayo qaab Dastuuri ah.

Done!

Qodobka 45aad

Deegaanka

(1) Xukuumadda Federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista Deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo hannaanka deegaameed ee dabiiciga ah. (2) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta Deegaanka iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista kheyraadka dabiiciga ah iyo Deegaankaba. (3) Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee waxyeellada Deegaanku ay saameeyeen waa in ay: (a) Qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) Dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo ku- daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xeer-jebin ku ah qaanuunka dawliga ah iyo ku- xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (c) Qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa masuulka ka ah ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; ha joogeen Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya gudaheeda ama meel kale; (d) Qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-u- qaadidda iyo ilaalinta Deegaanka, iyo ka hortagga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo Deegaanka dalka. (4) Xukuumadda Federaalka iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay dejinaysaa siyaasad guud ee Deegaan ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Done!