(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar waarana leh.
(3) Xukuumaddu Federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u- eegis loogu sameeyo. Siyaasaddaasi waa in ay xaqiijiso: (a) U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa ; (b) Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta; (c) Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoon dhibaato loo geysan. (d) In si deg deg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida. (e) In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan; (f) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar. (g) Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasad- dhuleed oo heerkooda ah.
(4) Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xaddidaya baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
(5) Dawladda Federaalku iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Federaalka iyo ciddii kale oo ay quseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka iyo qaab lagu koontaroolo, laguna isticmaalo dhulka.