(1) Xukuumadda Federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista Deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo hannaanka deegaameed ee dabiiciga ah.
(2) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta Deegaanka iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista kheyraadka dabiiciga ah iyo Deegaankaba.
(3) Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee waxyeellada Deegaanku ay saameeyeen waa in ay: (a) Qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) Dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo ku- daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xeer-jebin ku ah qaanuunka dawliga ah iyo ku- xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (c) Qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa masuulka ka ah ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; ha joogeen Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya gudaheeda ama meel kale; (d) Qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-u- qaadidda iyo ilaalinta Deegaanka, iyo ka hortagga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo Deegaanka dalka.
(4) Xukuumadda Federaalka iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay dejinaysaa siyaasad guud ee Deegaan ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.