Qodobka 46aad
Awoodda Shacabka
(1) Awoodda isxukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la- xisaabtan. (2) Nidaamka matilaadda shacabku waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inuu ka qayb-qaato; habraacyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo. (3) Nidaamka matilaaddu waa inuu ahaadaa mid si ku filan oo macquul ah uga hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada. Madaxa Labaad: Doorashooyinka