Axdiga Federaalka ee ku meel gaarka ahi waxa ay mudadiisu dhammaanaysaa marka lakala diro golaha Ansixinta Dastuurka ee Qaranka. JADWALKA KOOWAAD (A) - CALANKA SOOMAALIYA JADWALKA KOOWAAD (B) - ASTAANTA JAMHUURIYADDA JADWALKA KOOWAAD (C) - KALA GUURKA: WAX KA BEDELKA DASTUURKA EE SOOJEEDIYAY EE XILLIGA KOWAAD EE BAARLAMAAMKA FEDERAALKA Sida waafaqsan qodobbada 133 iyo 134aad, Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya waxa uu soo jeedinayaa dhaqan-gelinayaana wax ka beddel ku aaddan Dastuurka ku meel-gaarka, hab waafaqsan heshiiskii ay ka wada-xaajoodeen Dowlladda Fedderaalka ah iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee jira iyo kuwa cusub, oo, balse aanan ku koobnayn , qodobbadan soo socda:-
(1) Ku aaddan qodobka 22aad, oo qeexaya qaababka ka wada qayb-galka siyaasadda.
(2) Ku aaddan qodobka 32aad, oo khusaysa xaq u lahaanshaha war-helidda.
(3) Ku aaddan qodobka 39aad, oo dejinaya hanaanka xal-u-helidda xad-gudubyada xuquuqda Aadanaha.
(4) Ku aaddan qodobka 41aad, asaasidda guddiga Xuquuqda Aadanaha.
(5) Ku aaddan qodobka 43aad, oo khuseeya waxa uu noqonayo dhulka Federaalka.
(6) Ku aaddan qodobka 47aad oo ku saabsan xisbiyada siyaasadda iyo qaababka doorashooyinka.
(7) Ku aaddan qodobbada 110aad iyo 113aad, oo dejinaya waajibaadka, xilalka, tirada iyo hanaanka guddiyada Madaxa-bannaan.
(8) Ku aaddan qodobka 111 J)aa oo ku saabsan xafiiska adeegaha gardoonka dadwaynaha (ombudsman)
(9) Ku aaddan qodobka 130, xaaraantimeynta maleeshiyaadka khaaska ah.
(10) Ku aaddan qodobka 130, sharciyeynta shirkadaha ilaaladda khaaska ah.
(11) Xeer waafaqsan qodobka 131, oo ku saabsan Xaaladda Deg degga ah. JADWALKA 1(D): SHURUUCDA MUDNAANTA KOOWAAD LEH IN LA SAMEEYO XILLIGA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA FEDDERAALKA AH guddiga qoraya waxa uu tixgelin gaar ah siinayaa qoritaanka mashaariic khuseeya shuruuc cusub, hab waafaqsanna heshiiskii ay ka wada xaajoodeen Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka ah iyo maamuladda horay u jiray iyo kuwa cusub, oo ay ku jiraan, balse aanan ku koobnayn kuwan soo socda:
(1) Xeer waafaqsan qodobka 8aad, oo dejinaya sida qofku uu u heli karo una waayi karo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
(2) Xeer waafaqsan qodobka 9aad, oo dejinaya maqaamka magaala-madaxda.
(3) Xeer waafaqsan qodobka 30aad, oo ku saabsan samaynta dugsiyada khaaska ah, mac-hadyada iyo jaamacadaha.
(4) Xeer waafaqsan qodobka 34aad, oo khuseeya xaqa ay eedeysanayaasha u leeyihiin in ay helaan caawinaad sharci oo lacag la’aan ah marka lagu soo oogo fal-dembiyeed.
(5) Xeer waafaqsan qodobka 36aad, oo khuseeya dib u celinta eedeysanayaasha iyo dembiileyaasha.
(6) Xeer waafaqsan qodobka 37, oo ku saabsan qaxootiga iyo magangelyo-doonka.
(7) Xeer waafaqsan qodobka 39aad, oo dejinaya qaab-dhaqanka xal u helidda ku xad-gudubka xuquuqda Aadanaha.
(8) Xeer waafaqsan qodobka 45, oo khuseeya qubitaanka qashinka.
(9) Xeer waafaqsan qodobbada 49 oo khuseeyo tirada iyo xudduudaha Dawlad goboleedyada iyo xallinta khilaafaadka xudduudaha.
(10) Xeer waafaqsan qodobka 51 aad, oo dejinaya shuruucda khuseeya xiriirka wada-shaqaynta heerarka kala duwan ee Dawladda.
(11) Xeer waafaqsan qodobka 68aad, oo dejinaya shuruucda hab-dhaqanka golaha Shacabka.
(12) Xeer waafaqsan qodobka 70aad, oo qeexaya xasaannadda Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Federaalka ah.
(13) Xeer waafaqsan qodobka 75, dejinaya shuruuc qaab-dhaqan oo ku aaddan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Dawladda goboleedyada.
(14) Xeer waafaqsan qodobka123, asaasidda Banki Dhexe ee Jamhuuriyadda Fedderaalka ah.
(15) Xeer waafaqsan qodobka 130, oo khuseeya ciidamada amniga.
(16) Xeer waafaqsan qodobka 130 asaasidda laamaha khaaska ku ah la dagaallanka argagixisada, bucad- badeedda, tahriibinta dadka iyo dembiyada kale ee abaabulan.
(17) Xeer waafaqsan qodobka 130 nidaaminta dhismaha iyo shaqooyinka booliska Federaaliga ah.
(18) Xeer waafaqsan qodobka 130 nidaaminta xiriirrada ka dhexxeeya adeegyada booliska Federaalka iyo kuwa Dawlad goboleedyada.
(19) Xeer waafaqsan qodobka 130 oo qeexaya arrinta u hogaansamidda amarrada sharci-darrada ah.
(20) Xeer waafaqsan qodobka 130 oo khuseeya asaasidda iyo shaqaynta guddiga Baarlamaanka ee khaaska ku ah arrimaha ciidamada qalabka sida.
(21) Xeer waafaqsan qodobka 130 oo khuseeya doorka dadweynaha ee dabagal ku samaynta adeegyada booliska Federaalka.
(22) Xeer waafaqsan qodobka 141, oo khuseeya u codeynta arrin khaas ah ee dadweynaha.