(1) Haddii ay noqoto in la qaado afti uu amray Dastuurkan ama sharci kale ama sababo kaleba loo qaadayo, cidda hirgalinaysa aftidu waa in ay hubisaa in aftida lagu hubiyo in dhammaan dadka codbixin karaya ay fursad u helaan ay ku muujiyaan aragtidooda si xor ah, toos ah, qarsoodina ah si waafaqsan sharci Baarlamaanku ansixin doono kaasoo sugaya hab raaca aftida.
(2) Cidda hirgalinaysa aftidu waxay hubin doontaa in – (a) Aftidu waa in ay u waydiisaa su’aasha si cad, hab loogu talagalay in lagu helo aragtida dhabta ah ee codbixiyaha iyada oo aanay daah saarayn arimaha ay tahay in cod bixiyuhu kala doorto; iyo (b) Waa in aysan su’aalaha qaabka loogu dhigay warqadaha codeynta iyo habraaca aftiduba aysan ku hogaamineyn cod-bixiyaha