← Ku noqo

Qodobka 138aad

Ka Hirgelyaaa Dastuurkan

(1) Dastuurkani waxa uu dhaqan galayaa maalinta ugu horaysa maalinta koowaad marka ay ansixiyaan golaha qaran Ansixinta Dastuurka ah oo isugu yimi hab waafaqsan khariidada nabadda, heshiisyadii garawe I iyo garowe II, galkacayo, Addis Ababa, wareegtadii madaxwayanaha iyo kuwa kale ee khuseeya.

(2) Dhaqangalka qodobada la xiriira Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka meelaha lagu xusay Dastuurkan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo sameynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinaayo xilka ayagoo ah xubno ka tirsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay sameynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, golaha Shacabka ayaa qabanayo dhammaan waajibaadka iyo hawlaha Dastuurkan siiyay Aqalka Sare wuxuuna u shaqeynayaa sida Baarlamaanka ka kooban Hal Aqal, si daacadnimo ku jirtana maanka ugu haynayaa Maabaadi’da Aasaasiga ee awood qaybsiga ee Nidaamka Federaalka lagu qeexay Qodobka 3

(3) ee Dastuurkan iyo danaha gobolada Soomaaliyeed marka la gaarayo go’aanada.