← Ku noqo

Qodobka 137aad

Dhaqangelinta Dastuurka

(1) Ka dib dhammaadka muddada koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalku waxaa uu dhisayaa guddi dib- u-eegis ku sameeya hirgelinta iyo shagaynta Dasturka jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, marka lagu ansixiyo hab waafaqsan qodobka 136 ee ku saabsan qaadashada Dastuurka kama dambaysta ah, iyo in lala tashado dawladaha xubnaha ka ah Federaalku ka koobanyahay iyo dadweynaha wax ka beddelidda in lagu sameeyaa ay suurtogalka tahay.

(2) Lix bilood gudahood intii la magacaabay ka dib, guddigu waxaa uu u soo gudbin doonaa warbixintiisa golaha Baarlamaanka Federaalka iyo , dowldaha Federaalka ka midka ah iyo dadwaynaha.

(3) Kaddib markuu uruuriyo kana, baaraan-dego aragtiyada maamulada Federaalka ka tirsan, dadwaynaha, iyo marka la qiimeeyo lalana socdo hirgalinta iyo dabaqaadda Dastuurka kama dambaysta ah iyo muddo aan ka yarayn lix bilood ka hor inta aanay dhammaan mudada xilaka ee marka labaad ee Baarlamaanka Federaalka soomaliyeed, guddigu, iyaga oo la tashanaaya guddoomiyaha maxkamadda Dastuuriga ah waxa ay hubin doonaan in eray iyo ujeedaba laixtiraamo Dastuurka, wuxuuna Baarlamaanka Federaalka u soo gudbinayaa talooyinkiisa haddiiba ay jiraan, si uu wax uga beddelo Dastuurka iyadoo loo hab-raacayo qodobka 132aad ee dastuurkan

(4) Haddii Baarlamaanku Federaalka ihi ansixiyo mid ama ka badan oo wax ka bedelka la soo jeediyay ah hab waafaqsan Qodobka 132aad, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee wax laga bedely;

(5) Haddii aqlabiyadda kuwa u codaynaya aftida lagu xusay faqradda

(4) ay u codeeyaan Dastuurka wax ka bedelka lagu sameeyey, Dastuurkaasi waxa uu noqonayaa Dastuurka jamhuuriyadda faderaalka ah ee Soomaaliya. Madaxa Labaad: Qodobbo Qubane Ah