koowaad ee Aqalka Shacab; ansixinta Dastuur kama dambays ah
(1) inta lagu guda jiro muddo xileedka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, baarlamaanka Federaalku waxaa uu qaadan doonaa waxkabeddelka la soo jeediyay ee Dastuurka ku meel gaarka ah kaliya intii lagaga ansixiyay kadib cod kama dambays ah aqalka shacabka codkaasoo u dhigma sadex meeloodow laba meelood , iyo cod kama dambaysa ah oo ay u qaadaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, codkaasoo ugu yaraan ah sadex meeloodow laba meelood xubnaha jira.
(2) Afti la qabtay taasoo khusaysa Dastuurka ku meel gaarka ah wax laga bedelay, oo la qabto dhammaadka mudada xilka ee koowaad ee golaha Shacabka, codbixiyayaasha jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay ku qaadan karaan Dastuurka cusub cod aqlabiyad ah oo ay ku taageeraan wejiga kama dambaysta ah ee Dastuurkan.