← Ku noqo

Qodobka 135aad

Xilalka iyo Muddeynta Hay’adaha mudnaanta sare leh iyo guddiyada Madaxa Bannaan

Madaxa Bannaan ee uu Baarlamaanka Federaalku ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Aasaasayo

(1) Haddii aan si kale loogu sheegin Dastuurkan, Baarlamaanka Federaalku ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya wuxuu magacaabayaa xubnno aan tiradoodu ka badnayn sagaal oo ay yeelan doonaan guddi walba oo Madax Bannaani.

(2) Baarlamaanka Federaalku wuxuu asaasayaa hay’adahan iyo guddiyadan Madaxa Bannaan ee soo socda iyadoo muddeeynta halkan ku cadna la raacayo, kuwaasoo hirgelaya marka la aasaaso golaha Wasiirrada: (a) golaha Adeegga garsoorka - 30 maalmood (b) Maxkamadda Dastuurka - 60 maalmood (c) guddiga Xuquuqul Insaanka, Ilaaliyaha/kormeeraha (Ombudsman), guddiga Amaanka Qaranka, guddiga Ilaalinta/dabagalka nabadgelyada ee rayidka ah – 45 maalmood (d) guddiga Adeegga Baarlamaanka - 15 maalmood (e) guddiga Qaranka ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta - 60 Maalmood. (f) guddiga ka Dhexeeya Dawlad goboleedyada - 1 Sanno (g) guddiga Runta iyo Dib u Heshiisiinta - 30 Maalmood

(3) Si hadaba loogu sahlo Baarlamaanka Federaalka ah in uu hawlihiisaa guto, guddiga dib-u-eegista ee Farsamo ayaa soo diyaarinaya qoraalka sharciga loogu baahan yahay in lagu abuuro guddiyadaa iyadoo la raacayo Dastuurkan, si guddiga Kormeerka iyo guddiga dib-u-eegista iyo Hirgelintu ay u soo gabagabeeyaan uguna gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka si uu uga sii baaran dego , si aan looga dib dhicin waqtiyada kama danbeysta ah ee ku cad faqradda

(2) kore.