hor inta aanay dhammaan muddada koowaad ee wakhtiga Baarlamaanka Federaalka: Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta
(1) Dastuurkani waxaa uu abuurayaa guddiga ee dib-u-eegista iyo Hirgalinta iyaga oo ah guddi hoos tagaya guddida la socodka hab waafaqsan qodobka 133.
(2) Bilawga muddada xileed ee koowaad ee Aqalka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiirka u xilsaaran ayaa u soo magacaabi doona Ra’iisul Wasaaraha shan xubnood oo ka mid noqon doona guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kuwaasoo wasiirka u xilsaaran uu kasoo xulayo liis ay soo diyaariyeen golaha Wasiirrada. Waxaa intaa dheer, Dawlad goboleedyada jira ee Xubnaha ka ah Federaalku waa in ay u soo magacaabaan mid waliba hal ergay oo kale oo dheeraad ah guddida dibu eegista iyo hirgalinta , taasoo ku salaysan isla shuruudda doorashada.
(3) Wasiirka u xilsaaran waxaa uu dooran doonaa magacaabista qof aan xubin baarlamaan ahayn, kaasoo buuxiya shuruudaha soo socda oo lagu magacaabayo guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta: (a) Leh anshax iyo sumcad wanaagsan; (b) Shahaado ka sita jaamacad la aqoonsan yahay ; (c) Ku muujiyey karti heerar sare dhinaca maamulka dadweynaha ama xagga sharciga ee Soomaliya dhexdeeda, ama (d) In uu u leeyahay aqoon iyo khibrad ugu yaraan toban sanno arrimo la xiriira mid ka mid ah kuwa soo socda: (i) Sharciga, (ii) Maamulka dadweynaha , (iii) Dhaqaalaha , (iv) Jinsiga (v) Xuquuqda Aadanaha , iyo (e) In uu shaqo wanaagsan ka soo qabtay shaqadiisa ama majaalka uu ku takhasusay qofka la magacaabay. (f) In uu leeyahay waaya-aragnimo badan oo la xiiriita sharci qorista.
(4) Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu soo hordhigi doonaa magacyada dadkii la soo magacaabay mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 15 maalmood gudahood marka golaha Wasiirrada la abuuro, iyaga oo afar iyo toban cisho gudahood ku ansixin doona ama ku diidi doona mid ama ka badan oo ka mid ah dadka la soo magacaabay.
(5) Haddii mid ka mid ah labada aqal diido qof la soo magacaabay, Wasiirka u xilsaaran waxaa uu si waafaqsan faqradda
(3) u soo magacaabi doonaa beddelkii qofkaas, intaa ka dibna waxaa uu raaci doonaa habraaca ku dhigan faqradaha 4 ilaa 6.
(6) Ka dib marka Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya uu doorto shan qof oo lasoo magacaabay hab waafaqsan qodob-hoosaadyadaa
(4) iyo
(5) , Ra’isul wasaaruhu waxaa uu u astayn doonaa mid ka mid ah dadkaas la soo magacaabay guddoomiye, waxaanu u diri doonaa magacyadooda madaxwaynaha isagoo isna u magacaabi doona guddoomiye qofka Ra’isul wasaaruhu uu u asteeyey, labada kalena, Xubno ka tirsan guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta.
(7) guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalintu waa in ay: (a) Sida laga yaabo in uu guddiga La-Socodku amro, waxaa loo baahan karaa in wax laga beddelo Dastuurka sida ku qoran Jadwlka Koowaad (C), ama la soo jeediyo sharci qabyo ah sida lagu magcaabay Jadwalka (D), ama sidii kale ee hadba loo baahdo iyada oo daba socota waxa ka soo baxa golaha Ta’siisiga ah ee Qaranka (b) diyaariyaan warbixin daraasadeed oo lagu lifaaqo wax ka bedelka lasoo jeediyey ama sharci qabyo ah. Warbixintaasoo, hab waafaqsan cadaymaha, sababaynaysa waxka bedelka lasoo jeediyey ama mashruuca sharci kana saadaalinaysa ixtimaalka in wax ka bedelka lasoo jeediyay ama mashruuca ay ka dhalan karto hab dhaqankii la rabay, iyo in hab dhaqankaasi uu dib u qaabayn ku sameeyo dhibaatada bulsho ee wax ka bedelka la soo jeediyey ama mashruuca sharci uu higsanayo; (c) sameeyaan daraasadda sharci iyo ta xaqiiqo ee lama huraanka ah si ay u gudato xilalka ku xusan baragaraafyada (a) iyo (b); (d) sameeyaan hab waafaqsan Qodobka 133
(7), u gudbi guddiga la socodka wax ka bedelka lasoo jeediyay oo dhamaystiran ama mashruuca sharci la-socda warbixininta lagu xusuy baragaraafka (b) u gudbiyaan guddiga La-socodka; (e) warbixin ka siiso sadexdii biloodba mar ama marka ay ka codsato guddiga la socodka horumarka laga gaarey dib-u-eegista iyo hirgalinta lagu Dastuurkan iyo caqabad kasta oo ka hor imanaysa geeddi-socdka dib-u-eegista iyo hirgalinta. (f) in ay guddoomiyaha garsoorka ee Maxkamadda Dastuurka kala shaqeeyaan dastuurinimada soo-jeedinta, ; iyo (g) iyada oo loo fiirinayo hadba inta miisaaniyaddu le’eg tahay, in la qoro shaqaale ku filan in ay u guttaan xilkooda hab waafaqsan Dastuurkan.