← Ku noqo

Qodobka 133aad

Qodobada ku dabaqma wax ka badelka Dastuurka ku meel gaarka ah Jadwalka koowaad

Jadwalka koowaad (C), ama sharci lagu xusay jadwalka koowaad (D) ee Dastuurkan ka hor inta aanay dhammaan xilliga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka: Guddida la socodka/ kormeerka

(1) Qodobkan iyo Qodobka 134–– (a) ‘guddiga la-socodka’ waxaa loola jeedaa guddiga ku meel gaarka ah ee dib-u-eegista iyo lasocodka hirgalinta Dastuurka. (b) ’guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta’ waxaa loola jeedaa guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u- eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ku meel gaarka ah

(2) Dastuurkani waxaa uu abuurayaa guddi Lasocod kaasi oo ah guddi ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. (a) Aqal kasta oo Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ka tirsan waxaa uu u dooranayaa shan ka mid ah xubnihiisu in ay ka qayb noqdaan xubnaha guddiga La-socodka. Intaa waxaa dheer, maamul kasta oo jira qaybna ka ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya kaasoo u qalma in uu noqdo maamuul ka mid ah Federaal marka la fiiriyo Dastuurka Soomaaliya waxa uu soo magacaabi doonaa hal ergay oo ka socda maamulka kaasoo xubin ka noqonaya gudida la-socodka. (b) guddiga L-socodku waxay la socon doonaan, tilmaami doonnaan ansixinna doonaan hawlaha guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta, iyo, guud ahaan hirgalinta Dastuurka.

(3) Xubnaha guddiga la-socodku waxay dooran doonaan guddoomiyahooda iyaga oo ka dooranaya xubnaha guddiga la-socodka.

(4) Muddo aan ka badnayn bil markii guddiga la-socodku ay doorteen guddoomiyahooda, guddiga La-socodku waxay ku samaysan doonaan cod aqlabiyad ah xeerarka ay ku shaqaynayaan.

(5) guddiga La-socodka/Kormeerka waxaa uu muddo ka dibba, uu guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta u xilsaarayaa qoris shuruuc qabyo ah oo ku saleysan baahiyaha Jadwallada Koowaad (A) iyo Koowaad (B) iyo wixii kale ee baahiyo ah ee loo arko lagama maarmaan iyada oo la raacayo natiijada ka soo baxda ansaxinta ku-meelgaarka ah e golaha Ansixinta Dastuurka ah ee Qaran sida uu dhigayo Borotokoolka Dhisaya golaha Ansixinta Dastuurka Qaran .

(6) Marka uu u xilsaarayo qoris hindise sharci qabyo ah ee lagu xusey faqradda

(5), guddiga Sixidda/ Kormeerka waxaa uu mashruuca mudnaan u kala siinayaa sida soo socota: Waxaa uu -- (a) Lafagurayaa mashruuca isaga oo ka eegaya dhibaatada bulsho ee wax ka beddelka Dastuurka ee la soo jeediyey ama Mashruuca-sharci uu wax ka qabanayo; (b) Siinayaa mudnaan sare hindise sharci qabyo ah oo higsanaya in uu beddelo hab-dhaqan/ dabeecad. (i) Ammaanka qaranka, bedqabka dadweynaha, ilaalinta xuquuqaha Aadanaha ee aasaasiga ah, ama Deegaanka (ii) Sinnaan la’aan dhinaca tayada nolosha ah ee qaybaha kala duwan ee dadka Soomaalida ah haysata, oo ay ka mid tahay sinnaan la’aanta dakhli, u sinnaan la’aanta daryeelka caafimaadka, iyo u sinnaan la’aanta waxbarashada; (iii) Horumarka dhaqaale, oo ay ka mid tahay helidda shaqooyin, hubinta in qayb caddaalad ku dhisan oo ka mid ah faa’iidada ay helaan maalgeliyeyaasha ajnebiga ah dib loogu maalgeliyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo hubinta in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan aqoonta ku saabsan, ayna helaan shaqooyin la xiriira adeegsiga tiknolojiyada cusub, iyo (iv) In maaliyadda ummadda laga ilaaliyo musuq-maasuq iyo si xun u adeegsi. (c) Siinayaa mudnaan tan ka yar mashaariicda ku saabsan dhibaato bulsho oo la xiriirta mas’uuliyad Wasaarad jirta marka laga reebo kuwa la xiriira dhibaatooyinka bulsho ee mudnaanta sare leh; (d) Ilaa intii suuragal ah iyada oo sal looga dhigayo xisaabinta sax ah iyada oo la isu eegayo kharashka ku baxaya iyo faa’iidada bulshada ay ka heleyso, u qoondeeynaya mudnaan isu dhiganta mashaariicda sharci-qorista u eg in mudnaantoodu ay isku mid tahay, (e) Ku martiqaadaya Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuuriyadda Soomaaliya in ay ka munaaqashoodaan kala mudnaan-siinta wax ka beddelka Dastuurka iyo mashaariic-shuruuc la soo jeediyey; (f) Sanad kasta ay Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya u gudbinayaan si uu u ansaxiyo, wax uga beddelo ama u diido, Barnaamij Qorista Shuruuc markaa jira ee mudnaanta leh ee ku saabsan wax ka beddel Dastuuri oo la soo jeediyey iyo mashaariic-sharci la soo jeediyey, si waafaqsan sida guddiga Kormeerka/Sixidda uu mashaariicda u qoondeeyo in uu qoro guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, iyo in muddo ka dib uu wax ku daro ama wax ka dhimo barnaamijkaa hadba sida xaaladda markaa jirta ay keeneyso.

(7) Inta guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, si waafaqsan faqradda

(6), uu dhammeystirayo sharci qabyo ah la weydiistey in uu qoro, sida ku xusan Qodobka 134, waxaa uu guddiga Kormeerka/ Sixidda u soo gudbinayaa si uu dib ugu eego wax ka beddelka qabyada ah ee Dastuurka ah ama mashruuca-sharci, oo ay la socoto Warbixinta lagu xusey Qodobka 134

(7)(b).

(8) gudida lasocodku waxa ay - (a) Dib-u-eegis gudaha ah ku sameynayaan Sharci qabyo ah oo la xiriira wax ka bedalka Dastuurka iyo warbixinta la socota hab waafaqsan faqradda 7; (b) In dadweynaha ku wargaliso soo jeedinta iyo warbixinta ; (c) In ay hubiso in fursad ku filan oo dadweynuhu kaga doodi karaan jirto ; (d) In ay la tashato xubnaha dadwaynaha iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ; (e) Hawl gali golayaasha sharci dejinta ee Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka kuna daraan waxyaalaha ay soo gudbiyeen oo lays waafajiyey wax ka badelka la soo jeediyey, haddiii arrintu taabanayso danaha gobolka.

(9) Haddii wada tashi ka dib sida ku xusan faqradda

(8) guddiga lasocodku go’- aamiso in ay ku darto soo jeedinno kala duwan wax ka beddelka Dastuurka ama sharci qabyo ah ee la soo jeeiyay, ay ku celiyaan wax ka bedelka dastuurka la soo jeediyey ama sharci qabyo ah oo gudida dibu eegista iyo hirgalinta for redrafting, with instructions.

(10) Haddii markaa ka dib marka la sameeyo latashiga ku xusan faqradda

(8) guddida la socodku go’aamiso in ay gudbiso wax ka bedelka Dastuurka ee la soo jeediyay ama sharci qabyo ah si loo ansixiyo, waxa ay u gudbin doontaa wax ka bedelka Dastuurka ee la soo jeediyay guddoomiyaha aqalka shacabka, iyada oo warbixintuna la socota, si hore loogu sii socdo hab wafaqsan Dastuurkan.

(11) guddida la -socodku wax ay ku wargalin doontaa saddexdii biloodba mar labada aqal horumarka laga sameeyey dhamaystirka mashruuca lagu xusay jadwalka kow (C) iyo kow (D) iyo sida uu dhigayo marka la fiiriyo wixii ka soo baxay golaha Dastuurka ee qaranka sida ku dhigan xeerka lagu abuurayo golaha Dastuurka ee qaranka

(12) guddiga la socodka/kormeerka waxaa muddadiisu dhammaaneysaa marka lagu ansixiyo kala dirkiisa aqlabiyad fudud (50% lagu daray 1) tirada mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,