← Ku noqo

Qodobka 132aad

Qodobada ku dabaqma wax ka beddelka Dastuurka ee lasoo jeediyay dhammaadka xilliga

dhammaadka xilliga koowaad ee Baarlamanka Federaalka

(1) Marka laga soo tago faqradda

(2), ka hor ama ka damba inta aanu dhammaan muddo xileedka koowaad ee Baarlamanka Federaalka, Midkoodna Labada aqal ee Baarlamaanka ma soo jeedin karo wax ka beddelka Mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan cutubka 1aad ee dastuurkan,

(2) Iyadoo shardi ahaan la eegayo Qodobka 1aad, isla markaana laga reebayo wixii isbeddel ah ee lagu sameynayo xuduudaha maamul goboleedyada marka la eego qodobka 49aad, Aqal ka mid ah Baarlamaanka Federaalku waxaa uu soo jeedin karaa wax ka beddelka Dastuurka habka ee ku sugan qodob hoosaadyada iyadoo la raacayo nidaamka ay dhigayaan faracyada Qodobbada

(3) ilaa

(9).

(3) Dawladda Federaalka ama tan gobolada, xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ama codsi ay saxiixeen ugu yaraan 40,000 oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka beddelka .

(4) Cidda u doodeysa wax ka beddelka Dastuurka hab waafaqsan faqradka

(2) waxay soo jeedin karaan nooca wax ka beddelka ay rabaan iyaga oo hor keenaya mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

(5) Haddii badiba xubnaha aqalka wax ka beddelka la soo jeediyay ee Dastuurka la horkeenaya ay aqbalaan wax ka beddelkaas marka koowaad ama marka xigta ee ay akhriyaan, guddoomiyaha golaha Shacabka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka ee Soomaaliya waxa uu mid kasta magacaabayaa 10 xubnood oo aqalkiisa ka tirsan oo ka mid noqdaguddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal.

(6) guddiga wadajirka ah ee lagu magacaabay hab waafaqsan faqradda 5 waxay -- (a) Dib-u-eegis ku samayn doonaan soo jeedinta ku saabsan wax ka beddelka; (b) Dadka ku wargalin doonaan soo jeedinta ; (c) Hubin doonaan in ay jirto fursad dad weyne oo ku filan in lagaga doodo; (d) La tashan doonaan xubnaha dadwaynaha; (e) Hubin doonaan in xubnaha dadwaynuhu helaan fursad ku filan oo ay ugu soo bandhigi karaan faalooyinkooda iyo soo jeedinahooda guddiga wadajirka ah; iyo (f) Kala shaqeyn doonaan sharci-dejinta maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo in lagu daro wixii maamul goboleedyadu soo gudbiyeen oo la is-waafajiyay soo jeedinta wax ka beddelka , goorta arrini taabanayso danaha gobolka.

(7) Laba bilood gudahood markii la magacaabay, guddiga wadajirka ahi waxay warbixin u gudbin doonaan midkasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah.

(8) Baarlamaanka Federaalku waxaa uu aqbalayaa wax ka beddelka la soo jeediyay kaliya intii lagu ansixiyay cod kama danbaysa ka dib codkaasoo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha jira aqalka shacabka, iyo cod kama dambays ah oo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha jira ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

(9) Aqalka Baarlamaanka, waxa uu cod kama dambays ah u qaadi karaa sadex bilood iyo kabadan marka ay ka soo wareegto warbixinta guddiga wadajirka ah sida uu dhigayo faqradda

(7).

(10) Haddii baarlamaanku ansixiyo hal iyo ka badan oo waxka beddelada la soo jeediyay ah hab waafaqsan qodobkan iyo qodobka 136 ee khuseeya dibu eegista Dastuurka kama dambaynta ah, waxa loo qaadi doonaa afti dastuurka wax ka beddelka lagu sameeyey.