(1) Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay shaqaalasanayaan hawl-wadeennadooda.
(2) Waxaa jiraya Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah ee Heer Federaal iyo Heer Dawladaha Xubinta ka ah DawladdaFederaalka, waxaana lasoo saarayaa xeer nidaaminaya oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee shaqaalaha oo ay soo saarayaan golaha Shacabka ee Federaalka iyo golaha sharci dejinta ee Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.
(3) Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah waxay iska kaashanayaan ka wada faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka.
(4) Shaqaalaha rayidka ee Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka waa inay ka muuqataa dheelitirnaan dadka wada deggan.