← Ku noqo

Qodobka 118aad

Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladda

(1) Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladdu waxay xilkooda u gudanayaan si waafaqsan sharciga iyo danta guud oo keliya.

(2) Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Dawladdu kama mid noqon karaan hoggaamiyayaalka xisbiyada siyaasadda.

(3) Waa in Sharci lagu xaddidaa qaybaha shaqaalaha Dawladda ee ka reebban in ay xubno ka noqdaan axsaab siyaasadeed iyo hawlaha aan la socon karin xilalka ay hayaan.

(4) Xaaladda qaanuun ee shaqaalaha Dawladda waxaa nidaaminaya sharciga.

(5) Shaqada joogtada ah ee Dawladda, waxaa looga mid noqon karaa tartan furan oo keliya, marka laga reebo xaaladaha sharcigu tilmaamay.